Spread the love

Shabakadda Cilmi baarista ee Somalia (Data Grid Somalia), ayaa waxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu ka samaysay sahan uu hadafkiisu ahaa; in la ogaadoo isticmaalka iyo helista adeegyada Telefoonka Gacanta oo ay ku jiraan; lacagaha telefoonnada gacanta laga xawilo. Ujeeddad ugu weyn ee laga leeyahay dasaaradani, waa in la abuuro xogta iyo warbixinnada la xiriira arrimaha ugu muhiimsan iyo jiheeyayaasha bulshada ee la xiriira hanashada iyo isticmaalka adeegyada shabakadaha telefoonada gacanta.

Waxayna warbixinta sahankani soo bandhigaysaa aragtida dadweynha ee ku wejahan arrimaha lagama maarmaanka u ah adeegyada telefoonnada gacanta. Waxayna diiradda saaraysaa fikirka guud ee dadweynaha ee dhinacyada helista, tayada iyo amniga adeegyada telefoonnada gacanta ee ay bixiyaan shabakadaha kala duwan ee adeegyada telefoonnada gacanta.

Download: Somali